Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo gaaray Beledweyne

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan si uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu ay ka wadaan deegaannadaasi.

Madaxweynaha oo ay la socdeen qaar ka mid ah Golaha wasiirda iyo Xildhibaanada ayaa kulan la qaatay bulshada ka barakacday beledweyne ee ku nool Ceel-Jaale iyo Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare iyagoo kalahadlay meesha ay waxmarayaan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka horeeyay wafdi wasiiro iyo Xildhibaano oo shalay gaaray magaalada Beledweyne.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa hadda dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Trending

Exit mobile version