Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo kormeeray iskuulada Muqdisho+sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdulaahi Goodax barre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo mas,uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada hoose,dhexe iyo sare ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid ugalay fasalada Iskuuladii uu booqday, Iskuulada uu booqday Madaxweyne Farmaajo […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdulaahi Goodax barre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo mas,uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada hoose,dhexe iyo sare ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid ugalay fasalada Iskuuladii uu booqday, Iskuulada uu booqday Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa dugsiga hoose,dhexe iyo sare ee WiilWaal kuna yaala degmada Boondheere ka dibna wuxuu ardayda ujeediyey hadal dhiiri galin ah kuna saabsan in ay ku dadaalaan waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ardayda ku booriyey inay iska adkeeyaan imtixaanka midaysan ee dhawaan ay geli doonaan niyadoodana khayr ay u sheegaan.

Booqashada Maxaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu maanta ku tagay Iskuulada hoose,dhexe iyo sare ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo ardaydan Bisha May ay geli doonaan Imtixaanka shahaadiga ah ee midaysan islamarkaana ay qaadayso dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version