Wararka Soomaalida

Madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay madax ka socotay Bangiga aduunka

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo Muqdisho u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan maraya meel gabo-gabo ah.

Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.

Mas’uuliyiintan ka socotay Bangiga Adduunka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qoto dheer uga hadlay qaabka deynta looga cafin karo Soomaaliya iyadoo madaxdan ka socotay Bangiga Adduunka Madaxweynaha ujeediyay inay hay’adaha dowladda sii laba jibaaraan shaqada hufan ee hadda ay hayaan ka dibna waxay sheegeen in Soomaaliya mar dhaw laga cafin doono arimaha deynta.

Trending

Exit mobile version