Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo la kulmay gudiga wada hadalada Soomaaliland iyo dowladda dhexe
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaaliya iyo maamulka Soomaaliland oo in dhawaale kulamo ku saabsan arimaha wada hadadalada Soomaaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ka waday Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.
Dhankooda Xubnaha Guddiga Qaran ee Wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.
Kulankan wada-tashiga ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan Xubnaha Guddiga Qaran ee wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.