Wararka Soomaalida
Madaxweynaha oo soo xiray shirkii Dhuusa-mareeb
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu soo xirayay Shirwaynaha Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee horay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu uga furay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud iyadoo caawana Madaxweynaha uu soo xiray shirkaas.
Munaasabadda lagu soo xirayay shirkaasi ayaa waxaa ka qayb galay siihayaha xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa umahad celiyay dhamaan beelaha kala duwan ee ka qayb galay shirkaasi wuxyuna ku amaanay sida sharafta leh ee ay u aqbaleen ka qayb galka shirkaas iyadoo hadda wixii ka dambayana si toos ah loo guda galayo soo xulista Golaha Baarlamanka cusub ee Galmudug.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray Dhuusa-mareeb iyadoo halkaas ay ku soo dhaweeyeen madaxda maamulkaasi Galmudug.