Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo abaalmarin Gudoonsiiyay Ciyaartoy guulaysatay

Published

on

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta soo xiray tartanka Orodka gaaban ee Gobolada maamulka Puntland loo qabtay kaasoo ka dhacay magaaladda Garoowe ee maamulka Puntland iyadoo dhowr kooxood oo ciyaartoy ah tartankaas Orodka ah ay ka qeyb galeen.

Tartanka oo ah orodka gaaban ee la ordo 5KM ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha,dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland oo kaashanaysa Hayádda UNFPA ee ka howl gasha deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Puntland ayaa goobjoog ka ahaa dhamaadka tartanka si ay u dhiirigeliyaan Orodyahanada oo sida ay u kala Orod badan yihiin ama ukala dheereeeyaan ugu soo kala hormarayay barta xariijinta loo sameeyay.

Tartankan markuu soo idlaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay tartamayaasha dhallinyaradii iyo qeybihii kala duwanaa ee Bulshadii isugu timid xafladda Abaalmarinta Orodyahanada ayaa wuxuu dhiirigeliyay dhalinyaradii kaalimaha galay isagoo tilmaamay Madaxweynaha in orodka iyo ciyaaraha Muhiim u yihiin caafimaadka bulshada.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa u hambalyeeyay dhallinyarada kaalmaha hore ka gashay tartanka iyo dhammaan intii kawada qeyb qaadatay howlahan wuxuuna ugu dambeyn shahaadooyin iyo abaalmarino Lacag iyo Agab isugu jirta guddoonsiiyay 10kii Orodyahan ee ugu sareeyay tartanka.

Trending

Exit mobile version