Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaaliland oo si kedis ah ku tagay Isbitaalka Guud ee Hargeysa

Published

on

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Kormeer kedis ah ku tagay Isbitaalka Guud ee Hargeysa waxaana Madaxweynaha kormeerkiisan ku booqday bukaanada jiifa Isbitaalka uu ku booqday Madaxweynaha Soomaaliland iyadoo booqashadiisa ay ku wehelinayeen Madaxweynaha,Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale),Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere,Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif,Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Soomaaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uqaabilsan Soomaaliland Marwo Adna Aadan Ismaaciil,Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeedadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynaayo bukaanada jiifa Isbitaalka wuxuuna ugu duceeyay dhammaan dadka xanuunsanaya in ilaahay xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa kormeerkiisa ku tagay qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka wuxuu halkaasi kula kulmay macalimiin Ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkeyga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan sidoo kalena wuxuu ardayda kula dar-daarmay inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada Caafimaad inta ay la joogaan si hadhow u anfacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Trending

Exit mobile version