Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaali State oo soo saaray xeer cusub

Published

on

Madaxweynaha ismaamulka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida State ayaa sheegay inay xoojinayaan Soomaalinimada iyaduna horumar iyo midnimo ay ku gaarayaan.

Mustafe Cagjar ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolada kala duwan ee Soomaali State in howlan Soomaalinimada lagu xoojinayo ay kala sheegaan maamulka si looga mira dhaliyo hadafkooda wuxuuna ku booriyay in dhamaan umadda Soomalaiyeed ee ku mool dhulka Itoobiya muhiim uyahay dar dargelinta barnaamijkan.

Dhimacyada axsaabta siyaasada ayaa wuxuu faray inay la yimaadaan marnaamijyo ka tarjumaya midnimada iyo Soomaalinimada ee hadda ay doonayaan dhaqan gelintiisa si bulshada u gaarto horumar iyo midnimo waarta.

“Waxa kaliya ee aynu ku bad-baadaynaa waa arrinta Soomaalinimada laga yaabaa in Goldaloolooyin laga arko dhacdooyinka aan maalin walba qabanayno, laakiin barnaamijka Soomaalinimada ee aan ka hadalnaa miro dhal weeyaan,waxaa Sidoo kale laga maar-maan ah in axsaabta siyaasaddu ay layimaadan Ajandayaal Soomaalinimo ay kamuqato oo danaha shacabka ka tarjumaya si loo helo Bulsho ka midaysan dhankasta”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.

Madaxweyne Cagjar ayaa markii loo doortay xilkan wuxuu bedelay astaantii calanka wuxuuna ku soo celiyay midibkii hore ulahaa calinku wuxuuna berigaas sheegay in Soomaalinimada lama taabtaan ay tahay.

Trending

Exit mobile version