Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Ethiopia
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan salaan ah la qaatay wafdi ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya oo booshaqo ku joogay Soomaaliland muddooyinkii la soo dhaafay.
Wafdiga ka socda maamulada Soomaalida iyo Oromada oo horkacayay Madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim ayaa kulankooda salaanta ah Madaxweynaha Soomaaliland kula qaatay xarunta madaxtooyada Soomaaliland ee magaaalada Hargeysa waxayna labada dhinac iska xog-waraysteen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliland iyo guud ahaanba Itoobiya iyaga oo Madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee ugu soo dhaweeyay madaxtooyada Soomaaliland.
Kulanka Salaanta ah ee uu Madaxweynaha uu la qaatay wafdiga ka socda maamulada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku weheliyay Madaxweyne-ku-xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Soomaaliland ee u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.