Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Burundi oo wada kulmay+Sawiro
Madaxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura wuxuuna ku saabsan yahay safarka Madaxweynaha adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Garoonka diyaaradaha ee Bujumbura waxaa ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza waxaana loo galbiyey aqalka […]
Madaxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura wuxuuna ku saabsan yahay safarka Madaxweynaha adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Garoonka diyaaradaha ee Bujumbura waxaa ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza waxaana loo galbiyey aqalka Madaxtooyada Dalka Burundi.
Labada Madaxweyne ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta wax kasta oo cilaaqaad ah ee labo dowladood ay wadaagaan sida uu sheegay midka mid ah wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa caawa ku hooyanaya Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura waxaana inta ay joogaan shirar wada tashiyo ah la yeelan doonaan Madaxda dalkaas.
Pierre Nkurunziza ayaa waxaa uu ka mid yahay Madaxweyniyaasha Ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaana lagu wadaa in 28 bishan Ciidamo ka mid ah qaybtiisa oo gaaraya 1000 askari ay ka baxaan dalka Soomaaliya sida qorshuhu uu yahay.