Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmo joogi doona Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxaned Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ka dib markii uu burburay shirkii Garowe ee ay la haayeen Maamulada shanta ah ee hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shirkii burburay ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa in  lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee ka dhax jira dowladda dhexe iyo Maamulada wuxuuna […]

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Maxaned Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ka dib markii uu burburay shirkii Garowe ee ay la haayeen Maamulada shanta ah ee hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkii burburay ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa in  lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee ka dhax jira dowladda dhexe iyo Maamulada wuxuuna Garowe ka socday 6-dii cisho ee la soo dhaafay aakhirkiina waxaa ka carooday oo ka baxay shirkaas Axmed Madoobe iyo Axmed ducaale.

Labadaas hogaamiye ayaa si ku talagal ahayn saaka salaadii subax ushaaciyey inuu burburay shirkii Garowe iyagoo ku eedeeyey burburka shirkaas Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Haddaba saaka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Jannaraal Abshir ee Garowe ka duulay Xaaf iyo Madoobe iyadoo uu sii sagootiyey Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ahna Xildhibaan Aqalka sare ah.

Madaxweynaha Puntland oo ahayd inuu sagootiyo ayaa ka baaqaday sagootinta saaxiibadiisa ee ay xulafada ahaayeen mana cada sababta saaxiibadiisa usagootin waayey.

Wararka aan ka helayno Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo dhwor maalmood uu ku sii sugnaan doono Garowe waxaana la sheegayaa in ujeedka Madaxweynaha Garowe ugu haray ay tahay in heshiis uu dhaxmaro Siciid Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Warka kale wuxuu sheegayaa in qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre uu ahaa in la kala furfuro Maamulada xulafada ah ee Galmudug,Jubbaland iyo Puntland ka dibna Siciid Deni lalagalo heshiis maadaama labadaan kale ay ku soo foo leeyihiin doorashooyin.

Dhinaca kale waxaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iaygoo ka mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay shirkii burburay ee Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version