Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo sharma El-sheekh shir kaga qayb gelaya+sawiro

Waafi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Magaalada Sharma El-Sheekh kaga qayb gelaya shir ay leeyihiin dalalka Carabta iyo Midowga reer Yurub. Shirkan oo looga hadli doono dhoor wax yaabood ayaa markiisi Koobaad waxaa lagu qabanayaa dalka […]

Published

on

Waafi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Magaalada Sharma El-Sheekh kaga qayb gelaya shir ay leeyihiin dalalka Carabta iyo Midowga reer Yurub.

Shirkan oo looga hadli doono dhoor wax yaabood ayaa markiisi Koobaad waxaa lagu qabanayaa dalka Masar gaar ahaan Magaalada Sharma El-Sheekh.

Shirka Sharma El-Sheekh lagu qabanayo ayaa waxaa uu furmayaa maalinta beri.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray dalka Masar waxaana soo dhaweyn wanaagsan u sameeyey Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax Al siisii.

Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdi Fataax Al siisii ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Masar ee Qaahira ku yeeshay kulan hordhac ah.

Haddaba War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faa faahiyey Safarka Madaxweynaha iyo Shirkaas waxa lagafilan doono.

Sharma El-Sheikh, Feb 23, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Mas,uuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version