Wararka Soomaalida

Madaxweyne Cagjar oo xafiiskiisa ku qaabilay Doobile Sidiiq Haybe+sawiro

Sadiiq faarax Haybe oo ka mid ah dhalinyarada ka soo jeeda dhulka Soomaalida ee Killalka Shanaad ee Soomaaliya ayaa 17 sano kadib dib ugu ugu noqday Magaala madaxda Soomaali State ee dhulka Soomaalida degto ee itoobiya wuxuuna ka hirgeliyey xarun lagu Mayro ama lagu dhaqo Dharka Rag iyo Dumarba sidoo kale xaruntan lagu kaawadeeyo ama […]

Published

on

Sadiiq faarax Haybe oo ka mid ah dhalinyarada ka soo jeeda dhulka Soomaalida ee Killalka Shanaad ee Soomaaliya ayaa 17 sano kadib dib ugu ugu noqday Magaala madaxda Soomaali State ee dhulka Soomaalida degto ee itoobiya wuxuuna ka hirgeliyey xarun lagu Mayro ama lagu dhaqo Dharka Rag iyo Dumarba sidoo kale xaruntan lagu kaawadeeyo ama lagu feereeyo dharka.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa ka yimid dalka dibadiisa wuxuuna la yimid aragti dadka ubaahiqabeen taasoo ah inuu ka furay Magaalada xarun Doobi ah ama meesha lagu Mayro dharka arintaasoo ay siweyn ugu riyaaqeen unasoo dhaweeyeen bulshada Jigjiga kunool.

Sadiiq Faarax Haybe ayaa ugu tala galay xaruntan in dadkana ugu faa,iideeyo noloshiisana ku maareeyo intii uu gacanta hoorsan lahaa ama shaxaad ku nool noqon lahaa.

Ninkan dhalinyaradaha ah oo waraysi siiyey SRTV ee ka howlgala deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in xaruntan uu furay ka dib markii uu arkay in loo baahiqabo xarun noocaan ah asaguna noloshiisa ka dibiro waxaana lagu magacaabaa xarunta Doobiga ee uu ka furay Magaalada Jigjiga Badh Joog.

Xarunta Doobiga ee Badh Joog ee uu iska leeyahay Sadiiq Faarax Haybe ayaa hadda waxaa ushaqeeya shaqaale Dumar ah kuwaasoo udhaqa dharka loo keensado xaruntiisa iyadoo Mushaharkooda uu ka bixiyo Lacagta xaruntan ka soo xaroota.

Sadiiq Faarax Haybe ayaa sheegay in bishii faa,iidada ka soo gasho ay wanaagsan tahay kana helo lacag ku filan noloshiisa iyo tan qoyskiisa iyadoo bishii kasoo xareeyo lacag gaaraysa 15 Bir ee lacagta Itoobiyaha ah wuxuu intaas ku daray inuu doonayo hadda balaarinta xaruntan oo hadda ku yaraatay ka dib markii Macaamiisha uu helo ay korortay.

Wiilkan dhalinyarada ah ee lagu magacaabo Sadiiq Faarax Haybe ayaa sheegay in hadda uu ku talojiro balaarinta xaruntan iyo sidoo kale in xarumo uu ka furo deegaanada kale ee dhulka Soomaalida waxaa kaloo uu sheegay in bilowgii shaqadan bulshada uu kala kulmay caqabado yaryar sida in shaqadiisa ku caayaan iyo in shaqada Doobiga lagu dhaliilo balse asagu hadafka uu leeyahay intaas ka weyn yahay.

Sadiiq Faarax Haybe ayaa intaas ka dib waxaa uyeeray Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumer (Cagjar) ka dib markii shaqada wanaaga leh ee uu ku soo kordhiyey deegaanka loo bogay waxaana loo diray gaari si xaruntiisa looga soo qaado looguna keeno xafiiska Madaxweynaha DDS ee Itoobiya Mudane Cagjar si ula kulmo ninkan dhalinyarada ah ee shaqo abuurka wanaagsan ka furay Magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xafiiskiisa ku qaabilay Sadiiq Faarax Haybe ka dib markii gaarigii uu diray Madaxweynaha xaruntiisa looga soo qaaday ayaa wada sheekaysi iyo is xog waraysi dheer ka dib Madaxweyne Cagjar wuxuu ubalanqaaday Doobbile Sadiiq Faarax Haybe in Dowladda gacan qabanayso oo qarash ku bixinayso balaarinta xarunta si Sadiiq ay ugu noqoto dhiiragelin iyo inay ku dayasho unoqoto dhalinyarada kale ee uhanqal taagaya Qurbaha iyo in ninkan dhalinyarada ah ee la yimid hal abuurka wanaagsan deegaankana wax fiican ku soo kordhiyey loo tuso inuu leeyahay dowladda ushaqaysa bulshada asaga uu ka mid yahay.

Sadiiq Faarax Haybe ayaa Madaxweyne Mustafe Cagjar ugu mahadceliyey sida wanaaga leh ee uu uqaabilay balan qaad farxad gelina uu kala kulamay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version