Wararka Soomaalida

Madaxweyne Erdogan,RW Abiy oo Madaxweyne Farmaajo xiriir la soo sameeyay

Published

on

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii shalay ka dhacay Excontrol Afgooye wuxuuna tilmaamay in Turkiga shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay ka dib markii Madaxweyne Erdogan khadka Taleefanka uu kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda iyo shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaiya isagoo adkeeyay in ficilada wuxuushnimada ah ee noocan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta ee dalka loogu jiro.

Dhinaca kale Raiisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee shalay lagu xasuuqay isgooyska Excontrol Afgooye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed Cali xukuumadda iyo shacabka Ethiopia garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaiya isagoo adkeeyay in ficilada wuxuushnimada ah ee noocan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta ee dalka loogu jiro.

Trending

Exit mobile version