Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo safar Deg Deg ah ku aaday Qadar+sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar deg deg ah ku aaday Dalka Qadar gaar ahaan Magaalada Caasimadda u ah dalkaas ee Dooxa. Maxadaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmiga ah ka helay amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamad Al thaani. Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar deg deg ah ku aaday Dalka Qadar gaar ahaan Magaalada Caasimadda u ah dalkaas ee Dooxa.

Maxadaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmiga ah ka helay amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamad Al thaani.

Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in ay Shir ku yeeshaan Dooxa Farmaajo iyo Tamiim Bini Xamad Al thaani.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa gaaray Dooxa waxaana ku soo dhaweeyey Garoonka Dooxa Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamad Al thaani.

Haddana Villa Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeedkan.

Muqdisho, Feb 26, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version