Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir ah u ansixiyey miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka sida xilkasnimada leh ee ay u garteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa iyagoo ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed ee hufan ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Trending

Exit mobile version