Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Addis Ababa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia iyadoo halkaas beri uu ka furmayo shirka 13-aad ee caadiga ah Urur goboleedka IGAD si ay uga qeyb galaan sharka IGAD.
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 13-aad ee Urur Goboleedka IGAD ee gaaray galabta magaalada Addis Ababa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweysay Madaxweynaha Itoobiya Marwo Sahle-Work Zwede.
Soo dhaweyn ka dib Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Hotelka martida loogu talagalay inay sii daganaadaan ilaa shirkaas uu ka soo dhamaado.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Ethiopia Marwo Sahle-Work Zwede ayaa kulan gaaban oo is xog wareysi ah ku qaatay xarunta Madaxtooyada Ethoipia ee Addis Ababa.