Wararka Soomaalida

Madaxweyne Lafta Gareen oo dhagax dhigay xarumo muhiim ah+Sawiro

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka Madaxweynaha uu ka yahay ayaa shalay safar shaqo ku tagay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kuna taala Xuduudka kala qeebiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Isbitaalka Guud ee […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka Madaxweynaha uu ka yahay ayaa shalay safar shaqo ku tagay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kuna taala Xuduudka kala qeebiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Isbitaalka Guud ee degmada Ceelbarde iyadoo Degmadaas horay ulahayn xarun Caafimaad markii laga reebo xarun yar oo MCh ah oo degmadaas ku taala wuxuuna sheegay Lafta Gareen in xaruntan Caafimaad si deg deg ah loo dhisayo si bulshada ku nool degmada Ceelbarde ay u helaan xarun Caafimaad oo kaafisa baahiyahooda gaarka ah ee Caafimaad.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa bulshada kaga farxiyay in maamulkiisa wax allaale wixii adeega bulshada Ceelbarde ubaahan yihiin si dhaqso leh loo soo gaarsiin doono xili kasta oo ay ubaahdaan.

Dhinaca kale Lafta Gareen ayaa Degmadaas ka furay xarunta socdaalka ee maamulka Koonfur Galbeed iyadoo wax kasta oo ku saabsan arimaha socdaalka hadda wixii ka dambeeya shacabka Ceelbarde si dhibyari ah ugu heli doonaan xaruntaas maanta xariga uu ka jaray.

 

Sidoo kale Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay inuu kulamo muhiim ah uu la yeeshay bulshada qeebaheeda kala duwan isagoo bulshada ka dhageystay ra’yigooda ku aadan baahiyahooda gaarka ah iyo howlaha shaqo ee maamulka uhayo bulshada waxa ka dhiman.

“Waxaa ii farxad ah in aan bilaabo dhismaha Isbitaalka guud ee degmada Ceelbarde iyo furitaanka Xafiiska Socdaalka degmadaas aad bay muhiim ugu tahay bulshadayda ku nool Degmadan ku taala xuduuda inay yeeshaan xarun Caafimaad iyo xarunta socdaalka sidoo kale waxaan wada-hadal miisaan leh lala yeeshay bulshada qeebaheeda kala duwan ee ku nool Degmada anigoo ka dhageystay ra’yigooda runtii waa mudnaanta koowaad ee nabadda & barwaaqada Koonfur Galbeed”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdiga uu horboodayo ee gaaray Ceelbarde ee Gobolka Bakool halkaasna ka soo fuliyay labo mashruuc oo muhiim u,ah bulshada ayaa halhabeen ku hoyday degmadaas ka dibna maanta ka soo duulay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version