Wararka Soomaalida
Madaxweyne Muuse oo magacaabis iyo shaqo ka eriyin sameeyey(Akhriso)
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaqadii ka eriyey qaar ka mid ah wasiirada iyo mas,uuliyiin kale ka dibna boosaskoodii umagacaabay qaar kale. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu soo saaray Wareegto shaqadii looga eriyey wasiirada qaar ee Maamulka Madaxweynaha uu ka yahay ka mid ahaa sidan ayey uqorneed wareegtada […]
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaqadii ka eriyey qaar ka mid ah wasiirada iyo mas,uuliyiin kale ka dibna boosaskoodii umagacaabay qaar kale.
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu soo saaray Wareegto shaqadii looga eriyey wasiirada qaar ee Maamulka Madaxweynaha uu ka yahay ka mid ahaa sidan ayey uqorneed wareegtada uu soo saaray.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Wareegto Madaxweyne
Xil ka Qaadis
Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal
Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudanayaal Sida aad la socotaan xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta sidaa darteed waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaaday xilalkii aad hayseen.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Wareegto Madaxweyne.
Magacaabid
Markaan Arkay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 90aad
Markaan Arkay Aqoontooda Kartidooda iyo Waaya aragnimadooda
Markaan ku Qancay In ay Hanan Karaan Mas,uuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan
Markaan Sameeyey La-tashi Ballaadhan
Waxaan Go’aamiyey
In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas,uuliyiintan u magacaabo xilalkan
1-Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
2-Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
3-Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
4-Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.