Wararka Soomaalida
Madaxweynihii Algeria oo ka tanaasulay doorashada dalkiisa
Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay utartamida markiisii shanaad kursiga Madaxweynaha dalka Algeria ka dib mudaharaadyo kala joogsi lahayn oo maalmahanba ku socday Gobolada dalka Algeria. Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika ayaa xafiiskiisa ka soo baxday xalay warqad cadeyneysa in uu ka haray Musharaxnimada Madaxweynaha dalkiisa ee markii shanaad isusoo taagay […]
Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay utartamida markiisii shanaad kursiga Madaxweynaha dalka Algeria ka dib mudaharaadyo kala joogsi lahayn oo maalmahanba ku socday Gobolada dalka Algeria.
Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika ayaa xafiiskiisa ka soo baxday xalay warqad cadeyneysa in uu ka haray Musharaxnimada Madaxweynaha dalkiisa ee markii shanaad isusoo taagay in uu ku guuleysto kursiga Madaxweynaha doorashada dalkaas ee ka dhaceysa 18 bisha soo socota ee April.
Tanaasulkan uu sameeyey Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey guud ahaan dalkiisa ka dib go,aankan lamafilaanka ah ee uu qaatay Bouteflika.
Shacabka Algeria ayaa waxay si weyn ugu soo jeedeen in Abdelaziz Bouteflika markii shanaad uu hogaaminayo dalkiisa isagoo Madaxweyne ah sababo la xiriira haysashada xukunka iyo isbedel la,aanta xagga dhaqaalaha iyo Siyaasadda Algeria.
Waxaa intaas udheer shacabkan Algerian-ka ah Abdelaziz Bouteflika oo ah shaqsi xanuunsan oo xataa hadlikerin ka dib cudur dhanka Maskaxda ah oo ku dhacay Madaxweynaha Algeria.
Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa waxaa xukunka Algeria uu qabtay sanadka markuu ahaa 1999 wuxuuna dalkiisa Madaxweyne ka ahaa 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Abdelaziz Bouteflika waxaa ku dhacay cudurka la yiraahdo stroke sanadkii 2013kii ma,awoodo in uu hadlo iyo in cagihiisa uu ku socdo wuxuu saaran yahay Baaskiilka Curyaamiinta,haddii uu damco in uu hadlo wuxuu isticmaalaa qoraal.
Abdelaziz Bouteflika 7 sano ee laga soo gudbay laguma,arkin fagaaraha dad,weynaha lagula hadlo,xataa warbaahinta sidoo kale shirarka Madaxda Africa iyo kuwa caalamka xanuunkaas ku dhacay awgeed.
Isagoo xanuunsan hadalkarin soconakarin ayaa Madaxweyne ka ahaa dalkiisa Algeria iyadoo waliba hadda marshanaad isagoo marxaladaas ku sugan hamigiisa geliyey in uu utartamo xilka Madaxweynaha.
Waxa ay,ahaataba Abdelaziz Bouteflika wuxuu ka haray utartamida markii shanaad xafiiska Madaxweynaha doorashadaas oo lagu wado in Algeria ay ka qabsoonto 18 bisha April ee 2019ka.
Madaxweynaha dalka Algeria wuxuu dhashay 1937-2 bishii March hadda waa 82 jir xanuunsan.
Dhinaca kale dalka Algeria waxaa uu ka mid yahay wadamada Africa wuxuuna dhacaa waqooyiga Africa.
Dalkan ayaa wuxuu ka mid yahay wadamadii uu gumeystay France waxaa badi dalkaas looga hadlaa luuqadda France waana dal islaam ah.