Wararka Soomaalida
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo walaac muujiyay
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu walaac xoogan ka muujiyay qabsoomida doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021 ka iyadoo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhowr jeer shirar ka kala dhacay Soomaaliya iyo dibadaba uu ka sheegay in doorashada dalka marnaba dib udhacayn oo ay qabanayaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan umuuqan in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya qabanayaan doorashada dalka mugdi badana arinkaas uu kaga jiro.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu kaga hadlay walaaca uu ka qabo in doorashada dalka dib udhacdo ama waqti kororsi ay samaystaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.
“Iyadoo baryahaan Golaha Shacaba ee baarlammaanka ka doodayo xeerka doorashada JFS, in siyaasiyiinta qaarkood iyo dad sheegta iney qubaro yihin ay ku doodayaan ifinta Waddo suurtagalineyso in la sammeeyo KORORSIIMMO xilliga hay’adaha dastuuriga qaarkood iyadoo lagu sababeynayo haddii ay dhacaan duruufo aan doorasho laga qaban karin. Lix bilood ayaa doorashada dib loo dhigayaa haddii ay dhacaan duruufahaas – kuwaas oo aan la garaneyn waxa ay yihiin. Haddii lix bilood looga bixi waayana, baarlammaanku waa joogayaa ee madaxda ayaa la dooranayaa. Baarlammanku wuxuu joogayaa markaas ilaa xilli aan la garaneyn isna.
Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay.
Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah.
Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa in badan ku celceliyay in shaki weyn ay ka qabaan in dalka doorasho ay ka dhacdo.