Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore Kenya oo Maxkamad xukuntay 10 Million oo Dollar

Daniel Arap Moi Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa maanta lagu xukumay inuu bixiyo lacag gaaraysa ku dhowaad10 Million oo Dollar ka dib markii lagu eedeeyey xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Kenya in si sharcidaro ah ula wareegay dhul uu leeyahay qof shacab muwaadin Kenyan ah sida uu baahiyey Wargayska Daily Nation ee Kenya […]

Published

on

Daniel Arap Moi Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa maanta lagu xukumay inuu bixiyo lacag gaaraysa ku dhowaad10 Million oo Dollar ka dib markii lagu eedeeyey xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Kenya in si sharcidaro ah ula wareegay dhul uu leeyahay qof shacab muwaadin Kenyan ah sida uu baahiyey Wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa.

Madaxweynihii hore ee Kenya Daneil Arap Moi ayaa la sheegay in dhulkaas uu xoog ku qaatay sanadka markuu ahaa 21 September 1983-dii ka dib markii Saraakiishii ka tirsanayd Xafiiskiisa uu ku amar in dhulkaas xoog looga wareejiyo dadkii lahaa ka dibna magaciisa lagu qoro sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Kenya.

Arinta ku aadan in Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel arap Moi lagu xukumay inuu bixiyo lacag ku dhow 10 Million oo Dollar ka dib markii dhul si sharcidaro ah ugu qaatay muwaadin Kenyan ah ayaa waxaa haatan laga joogaa 36 sano.

Daneil Arap Moi ayaa ka dib waxaa la sheegay in dhulkaas uu ka iibsaday shirkad iyadoo dhulkaas haatan laga dhisay daaro waa weyn iyo  Xafiisyo nooco kala duwan ah sida lagu xusay warka uu daabacay Wargayska Daily Nation.

Dhulkaas ayaa waxaa lahaa sida Maxkamadda xukuntay ay sheegtay nin lagu magacaabo Noah Kipngeny Chelugui iyadoo Daneil Arap Moi uu 24 sano ka dib dhulkaas uu ka iibiyay qoyska Jaswant Rai sida lagu cadeeyey xarunta Maxkamadda.

Xaakimkii Maxkamaddu ayaa sheegay in dhulkan Moi uu kula wareegay sifo sharcidaro ah islamarkaasna aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas iyadoo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya dacwadan ku soo oogay Xaaska ninkii iska lahaa dhulkaas oo hadda ah waa weel 85 sano jor ah iyo wiil ay dhashay.

Xukunkan lagu riday Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daneil Arap Moi ayaa waxaa ridday Maxkamadda sare ee ku taala Eldoret waxayna sheegtay in ficilka madaxweynaha uu ahaa mid sharciga baalmaray waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda laga iibiyey dhulkaas ee layiraahdo Rai Plywood iyo inay siiyaan qoyska xaqa uleh dhulkaas ee layiraahdo Chelugui lacag ku dhow 10 Million Dollar ka dib markii lagu qiimeeyey qiimaha hadda uu marayo kala iibsiga dhulka ee aaga uu ku yaalo dhulkaas.

Daniel Arap Moi Madaxweynihii hore ee dalka Kenya xukunkan ku dhacay weli kama uusan hadlin ilaa hadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version