Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore oo si kulul uweeraray dowladda dhexe

Published

on

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka digay in dalka loo horseedo dagaal sokeeye sida oo warka udhigay ka dib markii asaga iyo koox mucaarad ah shalay ka degeen magaalada Kismaayo sidoo kale sharcidaro ku taageeray Axmed Madoobe sida shacabka Soomaaliyeed badi ay aaminsan yihiin.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa nasiib daro ku tilmaamay in madaxda dowladda ee hadda talada haysa sharcidaro ku dhaqayso dalka xili asaga Axmed Madoobe sharcidaro ku taageeray sida siyaasiyiinta ay qabaan.

“Waa nasiib daro aan la sugeynin in soddon sano kadib naloo celiyo nidaam kaligii talis ah oo aan oggoleyn sharci iyo xoriyad aysana jirin cid uu xurmeynayo waa arrin qatar ah oo aan la aqbali Karin indhahana laga qarsan karin in dastuurkii lagu dhaqmayay la iska laalo oo aan lagu shaqeynin”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed waxaa kaloo uu sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan isagoo tilmaamay in sacabka iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aan dal lagu hogaamin karin.

Trending

Exit mobile version