Wararka Soomaalida

Madoobe iyo Xaaf oo Beesha Caalamka go,aan ka soo saaraya

Ka dib markii labada Axmed ee kala hogaamiya Galmudug iyo Jubbaland maanta si iskood ah ay u shaaciyeen inuu fashilmay shirkii wada hadalada Maamulada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uga socday Magaalada Garowe islamarkaana caqabad ay ku noqdeen in heshiis la wada gaaro Xaaf iyo Axmed Madoobe sida wararka ay sheegayaan ayaa hadda waxaa arintaas […]

Published

on

Ka dib markii labada Axmed ee kala hogaamiya Galmudug iyo Jubbaland maanta si iskood ah ay u shaaciyeen inuu fashilmay shirkii wada hadalada Maamulada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uga socday Magaalada Garowe islamarkaana caqabad ay ku noqdeen in heshiis la wada gaaro Xaaf iyo Axmed Madoobe sida wararka ay sheegayaan ayaa hadda waxaa arintaas ka carooday beesha caalamka oo aad udanaynayey in heshiis miro dhal ah uu ka soo baxo shirkaas Garowe.

Safiirada Ingiriiska iyo Maraykanka ee Soomaaliya ujooga wadamadaas Ben fender iyo Donald yamamoto ayaa la sheegay in tiro ka seddax jeer ay la hadleen Axmed Madoobe iyo Xaaf si loo wada hadlo balse war ay ka diideen.

Safiiradan oo dhowr jeer kormeer ku tagay shirkii Garowe ayaa hadda lagu soo waramayaa inay ku guda jiraan sidii war kulul oo eed ah ay ugu soo saari lahaayeen wixii ka dhacay Garowe iyo cida eeda iska leh.

Xubnahan beesha Caalamka ah ayaa wararku waxay sheegayaan inay ubadan tahay inay eedeeyaan Axmed Madoobe iyo Xaaf kuna eedeeyaan inay yihiin qas wadayaal shirkii Garowe ka socdayna iyagu fashiliyeen.

Waxaa kaloo la hadal hayaa inay dhici karto in Axmed Madoobe iyo Xaaf beesha caalamka ay saaraan culays siyaasadeed ka dibna sidaas qadka ugu baxaan maadaama labadooduba ay ku soo fooleeyihiin doorashooyinka Maamuladooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version