Wararka Soomaalida

Mahad Cawad oo ka hadalay saxiixa heshiiska beelaha Towfiiq iyo Af-Barwaaqo

Published

on

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa si diiran usoo dhaweeyay heshiiska lagu kala sixiixday Degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee gobolka Mudug kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii dhiigabadan ku daatay ee dhawaan ka dhacay degmooyinkaas.

Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa saxiixa iyo heshiiska nabadeed ku tilmaamay guul farxadeed oo usoo hoyatay dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Af-Barwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa umahad celiyay saraakiisha ciidamada ee kala ah Taliyaha ciidanka Dhulka iyo Taliyaha qeybta 21-aad oo guul nabadeed ka soo hoyay dhax-dhaxaadintii beelihii ku dagaalamay degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.

“Guul iyo farxad ayeey ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee Afbarwaaqo, halkaas oo lagu qabtay kulankii labaad ee xabadjoojinta iyo heshiiska,mahad Alle SWT ayaa leh, ka dibna waxaan uga mahadnaqeynaa reer Afbarwaaqo oo dhigay gogosha nabadeed iyo reer Towfiiq oo si kalsooni leh u soo ajiibay. Taliska Ciidanka Qalabka Sida, Xasilinta iyo inta Eebbe waafajiyey inay gacan ka geysato waxaan leeyahay Ilaahey ha idinka abaalmariyo.

DFS, beesha caalamka iyo maamulada ay khuseyso waxaan ka codsaneynaa in la iska kaashado sidii adeegyo bulsho iyo gurmad rasmi ah loo fidiyo shacabka ammaan la’aantu daashatay. Qeybaha bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay soo dhoweeyaan heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Afbarwaaqo”ayuu qoraalkan ku soo xiray Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Trending

Exit mobile version