Wararka Soomaalida
Mahdi guuleed iyo Ben Fender oo arimaha doorashada ka hadlay
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo maanta kulan dheer ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay qaabka doorasho ee Soomaliya ay noqonayso.
Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa marka hore warbixin guud oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya siiyay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender wuxuuna usheegay Safiirka in madaxda sare ee dalka diyaar uyihiin in dalka ay ka hirgaliyaan nidaamka doorasho shacab oo ah qof iyo cod.
Safiirka ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa umahad celiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar sida wanaagsan ee uu ugu sharaxay qaabka doorasho ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay doonayaan in dalka ay ka hirgaliyaan wuxuuna sheegay safiirka inuu soo dhaweynayo dadaalka kala harka lahayn ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan nidaamka doorasho shacab ee Soomaaliya.
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka labada dowladood ee soo joreenka ah in la sii xoojiyo.
Sidoo kale Ben Fender iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka wada hadlay kaalinta deyn cafinta Soomaaliya iyo sida dowladda UK kaalin ugu qaadan karto.
“Waan ku faraxsanahay in aan la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya Ben fender,Safiirka UK ee Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay doorashooyinka Soomaaliya iyo arimaha deyn cafinta dalka iyo xiriirka labada dal ee UK iyo Soomaaliya”ayuu ku soo qoray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar bartiisa Twitter uu ku leeyahay.