World
Mareykanka oo loo isticmaalay hub cusub oo aanan hore loo arag
Hub cusub oo aan noociisa la aqoon ayaa lagu weeraray shaqaalaha wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ee Cuba iyo China. Dhamaadkii 2016, shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Cuba ayaa madaxdooda ku wargeliyay in ay isku arkeen xanuuno cusub oo aysan hore u qabin. Waxaa xanuunada ka mid ahaa dhawaaq cod dheer oo joogta ah oo ay […]
Hub cusub oo aan noociisa la aqoon ayaa lagu weeraray shaqaalaha wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ee Cuba iyo China.
Dhamaadkii 2016, shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Cuba ayaa madaxdooda ku wargeliyay in ay isku arkeen xanuuno cusub oo aysan hore u qabin. Waxaa xanuunada ka mid ahaa dhawaaq cod dheer oo joogta ah oo ay maqlayaan waxaa kaloo ka mid ahaa madax xanuun aanan caadi ahayn, daal lafo jabis ah, labo labo iyo iftiinka oo dhiba.
Aqoon yahano Mareykan ah oo baaray ayaa waxyaabo badan oo kala duwan sheegay. Intooda badan waxay sheegen in aysan ahayn hub oo ay yihiin cuduro kale oo u gaar ah meesha ay joogaan ee Cuba. Dowlada Mareykanka waxay go’aan ku gaartay in ay xirto safaradeeda Cuba waxayna daadgureysatay shaqaalaheeda. Markii la sawiray maskaxda shaqaalaha, waxaa lagu arkay dhaawac weyn sida kan lagu arko ciyaar yahanada American Footbalka. Hadda waxaa sidoo kale u xanuunsaday shaqaalaha safaarada Mareykanka ee China.
Markii la baaray waxaa la ogaaday in ay qabaan cuduro la mid ah kan shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Cuba. Baaritaano badan oo ay sameyeen ayay waxay ogadeen in shaqaalaha loo isticmaalay hub cusub oo aanan hore loo arag. Waxaa hubka cusub lagu sheegay microwave waxaana farta lagu wada fiiqay oo la tilmaamay in ay awoodaas oo kale leeyihiin wadanka Ruushka.
Waxaa Qoray: Liban Dirie