Wararka Soomaalida
Marwada Madaxweynaha dalka oo Seoul shir kaga qayb gashay+Sawiro
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Marwo Saynab Cabsi Macalin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaas kaga qeyb galay shirweyne looga hadlayey arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani,aadanimada. Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation xarunteedana ay tahay Magaalada […]
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Marwo Saynab Cabsi Macalin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaas kaga qeyb galay shirweyne looga hadlayey arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani,aadanimada.
Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation xarunteedana ay tahay Magaalada Caasimadda ah ee Seoul waxaana ka qayb galay Madax iyo wufuud ka kala socota 110 Wadan oo tiradooda kor u dhaafaysa 700 qof oo ah ka qayb galiyssha shirkaas.
Marwada Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Marwo Saynab Cabsi Macalin ayaa kulan la yeelatay haweenayda ugu sareysa hay’adda shirkan garwadeenka ah,haweenka martida ku ah shirka iyo sidoo kale madaxda dalalka qaybta ka,ah shirweynahan sanadlaha ah, iyadoo kala hadashay guud ahaan nabadda dunida iyo arrimaha Soomaaliya kuna saabsan dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhalaanka Soomaaliyeed.
Marwo Saynab Macalin,Marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sharfay in ay khudbad ka jeediso madasha shirkan, Iyadoo sanadkan,Abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye,waxaana lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.
Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi,Ra’iisal wasaariyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku xigeenno,siyaasiyiin,aqoon yahano iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah.
Sanadkan waxaa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyey billado qaali ah.