Community

Maxaad kala socotaa Ololaha la doonayo in lagu baddalo Waaxda Booliiska Magaaladda Minneapolis?

Published

on

Waxaa in mudo ahba socday dadaalo is dabba joog ah oo lagu doonayo in isbadal sax ah iyo dib u habayn dhab ah lagu sameeyo Waaxda Ciidanka Booliiska ee Magaaladda Minneapolis, kaddib markii ay soo noq-noqotay tacadiyadda, dilka iyo hayb sooca joogtadda ah ee ay booliiska magaallada Minneapolis u geystaan dadka laga tiradda baddan yahay iyo dadka Madowga ah.

Haddaba dilkii loogeystay muwaadinka madow ee George Floyd taariikhdu markii ay ahayd May 25, 2020 ee ay ka dhalatay kacdoon, cadaalad raadin dhab ah iyo rabshado ka dhashay sida arxandarada leh ee loo dilay George Floyd oo 46 sanno jiray, waxaa bilowday dadaal iyo olole lagu raadinayo sidii is beddel dhab ah loogu sameyn lahaa booliiska magaaladda Minneapolis, si ayna dhacdooyinka, xad xudubka iyo dilalka loogeysto qaar kamid ah mudwaadiyiinta ku dhaqan magaalada ayna u soo noq-noqonin.

Qaar kamid ah muwaadiniinta u ololeynaya in is beddel lagu sameeyo waaxda ciidanka booliiska Minneapolis.

Dadaalada is beddel raadiska ah waxaa ka dhashay in qaar kamid ah shicibka iyo dadka u ololeeya horumarka bulshadda ay ka codsadaan dadweynaha deggen magaaladda Minneapolis in doorashadda soo socota ee dhacaysa Bisha November 2, 2021 lagu daro su’aal ama afti loo codeynayo oo danta laga leeyahay ama ula jeedadeedu tahay in Waaxda Booliiska ee hadda jirta lagu badalo mid cusub oo ka duwan oo noqonaysa (Waaxda Badbaadada Dadweynaha).

Is beddelka la doonayo in lagu sameeyo Waaxda Ciidanka Booliiska ayaa waxaa hogaaminaya oo ololaha hormuud u ah dad iskaashaday oo la baxay Yes 4 Minneapolis. Hogaamiyeyaasha hormuudka u ah Yes 4 Minneapolis ( Haa u dheh Minneapolis) ayaa raba, una ololeynaya in waaxda booliiska ee hadda jirta lagu baddalo mid cusub oo uu magaceedu noqonayo Waaxda Badbaada Dadweyanaha oo sida ay u shaqayn doonto ay ka duwanaaneyso mida hadda jirta. Waaxda cusub ee la rabo in lagu badalo tan hadda jirta ayaa noqonaysa Waaxda Badbaadada Dadweyanaha, waaxdan ayaa ku shaqaynaysa hab ahmiyad gaar ah siiya caafimaadka bulshadda oo dhamaystiran, iyadda oo ay waaxdu howlaha iyo adeegyadda ay qabanayso ku salaynaysa badbaadada bulshadda.

Haddaba maxaad kala socotaa ololahan la doonayo in lagu baddalo waaxda ciidanka booliiska magaaladda Minneapolis? Halkan ka akhriso sida ay u qorantahay su’aasha loo codeyndoono bisha November 2, 2021.

Tabeeleha xafiiska waaxda booliiska magaallada Minneapolis.

Current ballot language

Department of Public Safety

Shall the Minneapolis City Charter be amended to remove the Police Department and replace it with a Department of Public Safety that employs a comprehensive public health approach to the delivery of functions by the Department of Public Safety, with those specific functions to be determined by the Mayor and City Council by ordinance; which will not be subject to exclusive mayoral power over its establishment, maintenance, and command; and which could include licensed peace officers (police officers), if necessary, to fulfill its responsibilities for public safety, with the general nature of the amendments being briefly indicated in the explanatory note below, which is made a part of this ballot?

Explanatory Note:

This amendment would create a Department of Public Safety combining public safety functions through a comprehensive public health approach to be determined by the Mayor and Council. The department would be led by a Commissioner nominated by the Mayor and appointed by the Council. The Police Department, and its chief, would be removed from the City Charter. The Public Safety Department could include police officers, but the minimum funding requirement would be eliminated.

Halkan ka akhriso qaabka ay u qorantahay su’aasha loo codeyndoono iyo guud ahaanba macluumaadka la xiriira is baddalka la rabo in lagu sameeyo waaxda booliiska Minneapolis https://lims.minneapolismn.gov/Download/FileV2/24441/Public-Safety-Ballot-Language-Revised-090721_v4.pdf

Warqadihii ay saxeexeen qaar kamid ah dadweyanaha deggen magaaladda Minneapolis si codeynta doorashadda loogu daro su’aasha la rabo in ay dadku u codeeyaan si loo baddalo Waaxda Booliiska Minneapolis.

Trending

Exit mobile version