Wararka Soomaalida

Eedaysanayaal lagu riday xukuno kala duwan

Published

on

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta seddax nin oo ku eedaysan dilkii Gudoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas ku riday xukuno iskuuga jira dil toogasho ah iyo xabsi daa,in ku riday Gudoomiyihii hore ee degmada maxaas iyo labo nin oo kale.

Guddoomiyihii hore degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu eedeeyay in uu wax ka maleegay qaraxa lagu dilay kuxigeenkiisii amniga  iyo sidoo kale in uu wada shaqeyn la yeeshay Al Shabaab ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamada ciidamada ayaa sidoo kale xukun dil ah ku riday Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle , labadan nin ayaana lagu eedeeyay in ay ka dambyeen qaraxa ka dhacay Maxaas.

Trending

Exit mobile version