Local News

Maxkamadda sarre ee Minnesota oo tuurtay xukunkii dilka darajadda 3aad ee Maxamed Nuur lagu xukumay

Published

on

Maxkamadda sare ee gobolka Minnesota ayaa ka noqotay xukun dilka darajada saddexaad ahaa ee lagu xukumay, laguna fuliyay Maxamed Nuur oo horey u ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska magaaladda Minneapolis.

Maxamed Nuur ayaa lagu xukumay labbo dambi oo kala ah dil darajadda labbaad ah iyo dil darajadda saddexaad oo la xiriira toogashii uu ku dilay isaga oo shaqo ku jira haweenayda Justine Ruszczyk Damond sanadkii 2017. Haddaba Maxkamadda sarre ee gobolka Minnesota ayaa xukuntay in la tuuro oo lag noqdo xukunka dilka darajadda 3aad ee lagu oogay, laguna fuliyay Maxamed Nuur.

Waa sarkaal Maxamed Nuur iyo haweenaydii uu toogashadda ku dilay isaga oo shaqo ku jira.

Maxkamadda sarre ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay in dib maxkamad loo saari doono Maxamed Nuur, maadaama horey loogu xukumay 12 sanno oo xarig ahna, hadda la badali doono, oo xukunkiisu iyo xariga uu muteystay uu noqon doono mid la xiriira dambiga dilka darajadda labbaad oo keli ah. Maxamed Nuur iyo qareenadda matalayey ayaa racfaan ka qaatay xukumadda iyo wakhtiga xariga ah ee lagu riday, taas ayaana keentay in maxkamadda sarre ee Minnesotay ay maanta go’aankan gaarto.

Haddaba waxaa suuragal ah in Maxamed Nuur la sii daayo, waxaana loo xisaabayaa inta sanno ee uu hadda xirnaa, waxaa dhici karta in la sii daayo dabayaaqada ama dhamaadka sannadkan aan ku jirno ee 2021 ama horraanta 2022.

Arritan ayaa ah mid cusub, waxaanan idinla soo wadaagi doonaa wixii akhbaar ah ee ku soo kordha.

Trending

Exit mobile version