Wararka Soomaalida
Meydka mid ka mid ah dadkii doonta la degtay oo lahelay
Sharma’arke Khaliif oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii shalay Doonida kula rogmatay degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan xili ay doonayeen inay utalaabaan gediga kale ee Wabiga ayaa maanta Meydkiisa laga soo helay biyaha Wabiga Shabeele ka dib 24 saac oo baadi goob loogu jiray asaga iyo mas’uuliyiin kale oo wali nolol iyo geeriba lala,yahay.
Kooxaha gurmadka ee maamulka Beledweyne oo tan iyo shalay markii musiibadaasi dhacday halgan ugu jiray sidii nolol iyo geeriba loo heli lahaa dadka maqan ayaa soo helay Meydka 4 qof oo ninkan dhalinyarada ah uu ka mid yahay.
Sharma’arke Khiliif ayaa wuxuu mudo dheer ku noolaa Yurub sida dadka yaqaana ay sheegeen isagoo dalkii uu ku noolaa ku haystay waxbarasho,cafimaad nolol iyo amaan ayuu ka doorbiday inuu ka soo tago oo dadkiisa u shaqeeyo islamarkana dhibatada uu la qeebsado kana samata-bixiyo sida dhalinyaradii Yurub iskula noolaayeen ay qeexeen.
5-tii sano ee lasoo dhaafay Sharma’arke Khiliif ayaa wuxuu ku noolaa Soomaaliya wuxuuna lashaqeyay intii uu noolaa hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli ahaayn isagoo deganaa magaalada Beledweyne howlaha ugu badan ee hay’adaha uu kala shaqayn jiray waxaa lagu sheegay dhinaca bini,aadanimada.
Ugu dambayn Alle ha u raxmadee Sharma’arke Khiliif ayaa wuxuu kamid noqday dadkii shalay doonta kula rogmatay Wabiga Shabeele kuna dhintay xili ay ka amba baxeen Magaalada Beledweyne kuna siijeeday deegaanka Ceel-Jaale oo ah deegaanka ay ubarakaceen bulshadii ku nooleed magaalada Beledweyne ka dib markii guryahooda ay buux dhaafiyeen biyaha Fatahaada Wabiga Shabeele.
Kooxaha gurmadka ee Wabiga Shabeele maamulka Hirshabelle ayaa waxay baadi goob ku hayaan meyd ama nolol mas’uuliyiin weli la waysan yahay kana tirsan maamulka Hirshabelle oo ay ku jirto Dahabo Axmed Xasan la taliyihii arimaha Haweenka ee Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.