Wararka Soomaalida
Meydka Taliyihii Booliska Hiiraan oo la geeyay Beledweyne
Ka dib dagaal saacado ka socday deegaanka Kalabayr oo 20 KM ujira xurunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay dagaalkaas Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Hiiraan Col.Maxamed Macow Xalane iyadoo sidoo kale dagaalkaas dhaawac culus uu ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan. Meydka marxuum Col.Maxamed Macow Xalane iyo […]
Ka dib dagaal saacado ka socday deegaanka Kalabayr oo 20 KM ujira xurunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay dagaalkaas Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Hiiraan Col.Maxamed Macow Xalane iyadoo sidoo kale dagaalkaas dhaawac culus uu ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan.
Meydka marxuum Col.Maxamed Macow Xalane iyo ku xigeenkiisa ee isna dhaawac culus qaba ayaa hadda waxaa lageeyay Isbitaalka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sida aan wararka ku helnay.
Dagaalakaas ee uu ku dhintay Taliyhii Ciidanka Booliska qeybta Gobolka hiiraan islamarkaana uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Booliska Hiiraan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamo kala taabacsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kaasoo lagu mahacaabo Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Hirshabelle.
Yuusuf Dabageed ayaa gaashaanka udaruuray amarkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ee ku saabsanaa xilka qaadista Dabagayd,wuxuuna Yuusuf Dabageed uusheegay in arinta xilka qaadista ah uu ka xigo dagaal dhiig badan uu ku daato.
Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ee hadda diidan inuu aqabalo xika qaadista lagu sameeyay ayaa dhowr jeer Gudoomiye ka soo noqday Gobolka Hiiraan iyadoo waqtiyadaas kala duwan ee xilalkii loo magacaabay laga qaadayay wax muran ah ka keeni jirin balse hadda uu ka Biyo diiday xika qaadista lagu sameeyay.