Wararka Soomaalida

Mid ka mid ah dhalinyarada wax ku baratay dalka oo u gacangalay Magafe Sawiro

Xasan Cali Nuur oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka gudihiisa kana qalinjebiyey Jaamacad ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliya ayaa ugacangalay Magefaha liibiyaanka ah ka dib markii uu dalka iskiiga Tahriibay Xasan Cali Nuur gaarayna Dalka Liibiya. Waxaa caawa baraha bulshada si weyn loogu soo bandhigayey Sawirada wiilkan da,da yar ee […]

Published

on

Xasan Cali Nuur oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka gudihiisa kana qalinjebiyey Jaamacad ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliya ayaa ugacangalay Magefaha liibiyaanka ah ka dib markii uu dalka iskiiga Tahriibay Xasan Cali Nuur gaarayna Dalka Liibiya.

Waxaa caawa baraha bulshada si weyn loogu soo bandhigayey Sawirada wiilkan da,da yar ee Soomaaliyeed oo labada gacmood ka jeebaysan jirdil iyo dhiigna jirkiisa ka muuqda.

 

 

Dhibaatadan hadda haysta Xasan Cali Nuur ayaa waxay ka tarjumaysaa labo daran mid dooro in ay wajahayaan jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed arrimahaas oo kale ah.

1-sanadihii dheeraa ee lagu soo tacab iyo tiirbeelay dhalinyarada Soomaaliyeed markii ay ka aflaxaan oo ay soo gaba gabeeyaan wax barashadii ilaa heer Jaamacadeed ee sanadaha adkaa ay ku soo jireen in ay la mid noqdaan kuwa xaafad jooga ah ka dib markii ay waayaan shaqo iyo wixii ay soo barteen oo aaney waxba ka faa,iidin in waali diintooda wax taraan iskaba daaye ,iyadoo qaarna go,aansada in ay sii joogaan dalkooda allana tala saarta nasiibkoodana alla ka sugaan halka qaarna go,aano kale ay gaaraan.

2-iyo in ay ka cararaan dalka oo ay naftooda halis ugaliyaan nolol iyo geeri wax udhexeeya sida inbadan oo dhalinyarada Soomaaliyeed ah ay ku dhacday oo la mida ah tan hadda haysata Xasan Cali Nuur oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version