Wararka Soomaalida

Mid ka mid ah raggii ka shaqayn jiray Villa soomaliya oo warbixin ka diyaariyey(Akhriso)

Mid ka mid ahaa shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya ka howlgalayay oo hadda banaanka ka ah shaqada Madaxtooyada iyo guud ahaan shaqooyinka xafiisyada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Villa Soomaaliya ka diyaariyay warbixin uu ku cadaynayo shaqooyinka dhabta ah ee ka jira Madaxtooyada Soomaaliya. Halakan ka Akhriso warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysa. Wixii ka dambeeyay 08 Feb 2017 […]

Published

on

Mid ka mid ahaa shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya ka howlgalayay oo hadda banaanka ka ah shaqada Madaxtooyada iyo guud ahaan shaqooyinka xafiisyada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Villa Soomaaliya ka diyaariyay warbixin uu ku cadaynayo shaqooyinka dhabta ah ee ka jira Madaxtooyada Soomaaliya.

Halakan ka Akhriso warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysa.

Wixii ka dambeeyay 08 Feb 2017 oo shacab badani ay aad u taageereen Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa taageeradaas barbar socotay qorshe uu maalgaliyey Xafiiska warbaahinta Villa Somaliya iyadoo dhaqaale joogto ah bil kasta uu xafiiskaas ku bixinayay faafinta fariinta xukuumadda iyo jaa’ifada siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda Soomaaliya.

Annigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa dadkii qaybta ka ahaa Ololihii Madaxwaynaha ku soo baxay waxaa Alle igu ogyahay in aanan talo ku lahayn, ogayn, qayb-na ka ahayn qorshahaas Mana bixinayn mana qaadanayn Allaa igu oge sidaas oo ay tahay markaan ogaaday waxaan la kulmay Agaasime C/nuur, waxaana la wadaagay wixii dhib ah ee jira waana ka digay khatarta ka imaan karta arrintaas wuuna igu beeniyay Cabdinuur jiritaanka warkaas.

Sawirka diyaariyaha Warbixinta Villa Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Kooshin.

Waxaan markhaati Alle kaga ahay inay jireen dad badan oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku taageeyay Dowladda, welina ku taageersan balse aan qayb ka ahayn qorshaha Xafiiska Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed uu ku maalgaliyo qoylaysatada baraha bulshada.

22 Augost 2018 markii Agaasimihii Madaxtooyada loo magacaabay Aamino Siciid Cali, Agaasime kuxigeenna loo magacaabay Cabdirisaaq Caato ayaa waxay joojiyeen dhaqaalihii Xafiiska Warbaahintu bil kastaa bixin jirtay Arrintaasina waxay kaliftay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Agaasimihii waaxda Warbaahinta Cabdinuur iyo Agaaaime Kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato.

Khilaafkaas wuxuu sababay in fashil xooggan oo Dowladda uga yimaada dhanka baraha bulshada waxaana xoogsatadii markii ay waayeen dhaqaalihii la siinjiray dib ugu soo jeedsadeen Xukuumadda Nabad iyo Nolol kuwaasoo ku bilaabay in ay caayaan waana khatartii aan ka digayay markii horeba.

Looma joojin oo dhagaha ayaa laga furaystay arintii aan inbadan Madaxda kala hadlay anna waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu riyaaqay in dhaqaalahaas xaaraanta ah la joojiyo, waayo natiijada ayaa ii muuqatay.

Ugu dambayn waxay arrin isugu soo biyo shubatay in Cabdinuur uu dib usoo abaabulay qaar ka mid ah xoogagii dhaqaalaha la siin jirey, si ay samcad dil iyo jaa’ifo ugu sameeyaan Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato, si uu dib ugu soo celiyo dhaqaalihii Xafiiskaas uu bil kasta bixin jirey waxaan hayaa Document iyo macluumaad dheeraad ah haddii ay arrintaan sii socotana waan soo bandhigayaa.

Afeef qormadan waxaa mid ka madaxbanaan Tusmotimes.com waxayna gaar utahay diyaariyaha qoraalkaas Maxamed Cabdullaahi Kooshin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version