Wararka Soomaalida

Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis wada saxiixay+Sawiro

Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. […]

Published

on

Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska.

Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version