Wararka Soomaalida

Milkiiliyaasha Hoteelada Dhuusa-mareeb oo amar lagu soo rogay

Published

on

Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa caawa lagu daadiyay Ciidankii ugu badnaa abid oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo dhowaan halkaasi lafilayo in ay ka bilaabato doorashada madaxda Galmudug ka dib markii shalay lagu dhawaaqay Gudiga maamul usamaynta Galmudug.

Ciidamadan caawa lagu daadiyay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxay yihiin Ciidamadii bilooyinkaaba Dowladda Soomaaliya ku daabulaysay Dhuusa-mareeb iyagoo ciidamada lagu arkay gudaha iyo daafaha magaalada siweyna ufeejigan.

Shacabka ku nool Dhuusa-mareeb ayaa Wargayska Tusmotimes usheegay in magaalada la keenay Ciidan aad u feejigan aadna utarabadan amnigana sugaya iyadoo haray Ciidamadan magaalada ka mamnuucay hubka sharcidarada ah iyo gawaarida leh Muraayadaha Beensalka ah.

Dhinaca kale milkiiliyaasha iska leh Hoteelada ku yaala Dhuusa-mareeb ayaa caawa dhamaan loo qeebiyay warqado ay ku qoran yihiin digniin kuna saabsan in shir aan la soo fasixin lagu qaban karin Hoteelada ilaa amar dambe.

Amarkan ayaa waxaa bixiyay Taliska amniga Dhuusa-mareeb sida aan warkan ku helnay iyadoo laga cabsi qabo in Ahlusunna fowdo ka kiciyaan Degmada Dhuusa-mareeb iyagoo sheegay in ay saluugsan yihiin Gudigii shalay lagu dhawaaqay sidaas awgeed hoteelada amar loo dul dhigay.

Warqada loo qeebiyay Hoteelada ayaa naloo sheegay in sidoo kale ay ku qoran tahay hoteelkii ka dhega adeega amarkan lagu soo rogay lagu qaadayo sharci adag iyo ganaax lacageed oo xad dhaaf ah.

Trending

Exit mobile version