Local News

Minneapolis: Xayiraad lagu soo rogay wadooyinka iyo goobaha gawaarida la dhigto

Magaalada Minneapolis ayaa soo saartay xayiraad iyo sharci cusub oo la xiriira jidadka gawaarida la dhigto iyo weliba dhinaca la dhigan karo gawaarida laga bilaabo maalinta Arbacada Haddaba waxaa muhiim ah in aad ka taxaddarto meesha aad dhiganayso gaariga. Xayiraadyada la xiriirta goobta aad gaariga dhigan karo ee cusub ayaa dhaqangalaysa maalinta Arbacada. Xayiraadan iyo […]

Published

on

Magaalada Minneapolis ayaa soo saartay xayiraad iyo sharci cusub oo la xiriira jidadka gawaarida la dhigto iyo weliba dhinaca la dhigan karo gawaarida laga bilaabo maalinta Arbacada

Haddaba waxaa muhiim ah in aad ka taxaddarto meesha aad dhiganayso gaariga. Xayiraadyada la xiriirta goobta aad gaariga dhigan karo ee cusub ayaa dhaqangalaysa maalinta Arbacada.

Xayiraadan iyo sharcigan cusub oo ah mid mudo dhowr bilood ah socondoona ayaa waxaa sabab u ah barafka badan ee ka da’ay magaalada Minneapolis iyo guud ahaanba gobolka Minnesota.

[su_youtube url=”https://youtu.be/2tR00CtuYKA”]

Muuqaalkan video-ga ah ka daawo meesha saxda ah ee aad gaariga dhigan karto.

Maadaama uu jiro baraf aad u badan oo da’ay bishan Febraayo, haddaba barankan badan oo ah mid taariikhii ah ayaa sababay in wadooyinkii ay noqdeen cidhiidhi taas oo keentay in gawaarida gurmadka deg-dega ahi ee sida ambalaasta iyo gawaarida dabdamiska ay mari waayeen wadooyinkii uu barafku cidhiidhiga ka dhigay.

Sawir ku tusaya meesha iyo dhinaca aad gaadhiga dhigan karto iyo dhinaca aan laguu ogolayn in aad gaadhiga dhigato.

Xanibaad oo bilaabanaysa 8-da subaxnimo maalinta Arbacada ah ee bisha Febraayo ay tahay 27, 2019 ayaa la qaadi doonaa ama ku eg 1-da bisha April, 2019.

Waxaad si fiican u fiirsaa ama u hubisaa dhinaca laguu ogol yahay in aad gaadhiga dhigan karto iyo dhinaca kale ee aan laguu ogolayn, gaarigana aan la dhigi Karin.

Haddii aad dhigato gaariga dhinaca khaldan ee xayiraada la saaray waxaa dhici karta in gaariga tigidh la gaa siiyo ama ayba suurto gal tahay in gaariga lagaa jiito, haddaba waxaa muhiim ah in aad taxadarto.

Wixii akhbaar dheerad ah booqo  City’s snow information web site, ama wac Taleefanka loogu talagalay gurmadka deg-dega wakhtiga qaboobaha : (612) 348-SNOW (7669).

 

Xigashadda sawiradda iyo muuqaalka video-ga: Minneapolis iyo WCCO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version