Wararka Soomaalida
Minnesota oo laga taageeray heshiis nabaddeed labo beelood ku dhexmaray Gobolka Mudug
Waxaa magaaladda Minneapolis maanta lagu qabtay munaasabad lagu taageerayo nabadaynta iyo heshiiska beelaha Sacad iyo Leelkase ee ka dhacay Bandiiradley, gobolka Mudug.
Munaasabadda lagu taageerayay heshiiska taariikhiga ah labadda beelood ay galeen ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee ka soo kala jeeda labadda beelood ee uu dhexmaray heshiis nabadeedka ka dhacay Bandiiradley, gobolka Mudug.
Kulankan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo lagu taageeray qodobaddii ka soo baxay shirkii iyo gogashii nabadda ee mudadada sideeda cisho ah ka socday Bandiiradley, gobolka Mudug. Shirkan nabadda ah ayaa waxaa ku heshiiyay beelaha Sacad iyo Leelkase oo mudo ka baddan 35 sanno colaad soo noqnoqotay oo dad iyo duunyaba lagu waayey ay ka dhaxaysay.
Jaaliyadda labada beelood ee heshiis nabaddeedka galay ee Sacad iyo Leelkase ee reer Minnesota ayaa taageero buuxda la garab istaagay heshiiskii Bandiiradley, sidoo kalena soo dhaweeyay heshiiska dhamaystirka ah iyo shirka gebagabada ah eek a dhacaya Goldogob bishu marka ay tahay 6/25/2020.
Maxamed Wardhere iyo Cisman Axmed oo kamid ah hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee iyagu u ololeeya arrimaha bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota oo kamid ah dadka soo abaabulay munaasabadan quruxda baddan ee lagu taageeray heshiis nabaddeedka ka dhacay Bandiiradley ayaa qudbado qiimo baddan oo xambaarsan baaq iyo fariimo soo dhoweyn iyo dhiirigelin ah goobta ka jeediyay. Dhamaan dadkii lagaa rag iyo dumarba ee iyagu ka hadlay munaasabadan ayaa halku dhig u soo qaataya Ereyadda heesta “Nabadaa naas la nuugo leh”, waxayna sheegeen in ay nabaddu tahay aasaaska bulsho kasta.
Haddaba dhamaan dadkii ka soo qaybgalay munaasabaddan taageeradda iyo dhiirigelinta iskugu jirtay ayaa la akhriyay baaq loo diray dhamaan bulshadda labada beelood ee heshiis nabadeedka galay, “Waa in aan qiimeyno oo aan soo dhoweyno dhamaanteen heshiiskan astaanta u nabad ka aslaaxda labada beelood ee heshiiska taariikhiga ah galay iyo dhamaan bulshooyinka iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed”.
Xigashadda sawiradda: Deeq Darajo, Xogmaal Media