Wararka Soomaalida
Munaasabad weyn oo beri ka dhici doonta Muqdisho
Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabad weyn oo loogu dabaal degayo sanad guuradii 76-aad ee ka soo wareegatay xiligii la aas-aasay ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadka markuu ahaa 20-kii December 1943-dii.
Xafladaasi balaaran ayaa waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya,qaar ka mid ah Safiirada wadamada caalamka ufadhiya dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ajinibiga ah ee Soomaaliya ku sugan.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sanad walba 20 December loo dabaal dego sanad guuradooda ee ku beegan xiligii la aas-aasay ayaa waxay yihiin Ciidankii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya uu yeesho.
Munaasabaddaas beri ku beegan 20 December awgeed ayaa waxaa hambalyo hor dhac ah udiray Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya Sarkaalka ugu darajada sarreeya inta sarkaal ee darajo Ciidan leh ee Soomaaliya,Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) iyadoo dadka qaarkiis ugu yeeraan Bashiir Goobe oo hadda ah Agaasimaha wakaaladda horumarinta Soomaaliyeed horayna usoo noqday Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Agaasimaha hey’adda NISA ee Soomaaliya.
“Waxaan hambalyo udirayaa Sarreeyaasha, Saraakiisha,Saraakiil xigeennada,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 76-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska Soomaaliya,Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu door wanaagsan ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta dalka”ayuu yiri Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan)