Wararka Soomaalida
Munaasabadda 1-da Luulyo oo Muqdisho ka socota+Sawiro
Mumaasabadda 1-da Luulyo 1960 xiligii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen Gumeystihii Talyaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa hadda ka socota xarunta Gobolka Banaadir ee Ufficio Governo ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadaas ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi […]
Mumaasabadda 1-da Luulyo 1960 xiligii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen Gumeystihii Talyaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa hadda ka socota xarunta Gobolka Banaadir ee Ufficio Governo ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil, Marti sharaf iyo Fanaaniin.
Caawa oo kale 59 sano ka hor calankeenna quruxda leh ayaa la taagay guud ahaan dalka taasoo astaan u ahayd halgankii gobonnimo doonka Soomaaliya ee la soo maray.
Sidoo kale waxaa israacay Gobolada Waqooyiga iyo Koonfur oo gartay in ay midnimadu lagama maarmaan u tahay jiritaankeenna ummadeed ee Soomaaliya.