World

Muslimiin badan oo ka carooday kabo ay shirkadda Nike ku qortay magaca Alle

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa aad uga carooday kabo ay Shirkadda Nike soo saartay oo lagu qoray magaca Alle oo Carabi ah kabha hoostooda. Goobo badan oo kamid ah baraha bulshadda ayaa waxaa laysla dhex marayaa muqaalo video-ah iyo fariimo badan oo ay Muslimiintu uga hadlayaan naqshadda iyo xad gudubka shirkadda Nike ay samaysay. […]

Published

on

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa aad uga carooday kabo ay Shirkadda Nike soo saartay oo lagu qoray magaca Alle oo Carabi ah kabha hoostooda.

Goobo badan oo kamid ah baraha bulshadda ayaa waxaa laysla dhex marayaa muqaalo video-ah iyo fariimo badan oo ay Muslimiintu uga hadlayaan naqshadda iyo xad gudubka shirkadda Nike ay samaysay.

Nooca kabacaha loo yaqaano Air Max 270 oo ay soo saarto shirkadda Nike ayaa waxaa ku qoran magaca Alle oo Af-Carabi ah.

Haddaba Muslimiin badan ayaa bilaabay codsi iyo fariimo ay ku dhaleecaynayaan shirkadda Nike iyo falka foosha xun ee ay ku kacday.

Baraha bulshadda ee inter-net-ka ayeey dad badan oo Muslimiin ah ay isla wadaagayaan muuqaalka iyo sawirrada kaba lagu qoray magaca Alle ee dad badan ka caraysiiyey.

Haddaba waxaa jira codsi aad saxeexi kartid oo uu furay ama bilaabay Saiqa Noreen oo isagu aad uga xumaaday ficilkan iyo falkan foosha xun ee ay shirkadda Nike ku kacday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version