Wararka Soomaalida

Muxaadaro Sheekh Umal uu ku qaban lahaa Muqdisho oo dib loo dhigay

Published

on

Galabta ayaa waxaa lagu waday garoonka ENG Yariisow Stadium inuu muxaadaro weyn uu ku qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada ducaada ah ee Soomaaliyeed dhowaana ka yimid Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cinwaanka Muxaadarada ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Sheekha uu kaga hadli lahaa musiibooyinka markii ay dhacaan sida loo wajaho iyo diiniyan qaabka dadka Muslimiinta ah uwajahaan ay tahay.

Sababta baajisay Muxaadarada ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuuna ku sheegay sababtaas inay tahay ka dib markii Madaxda dowladda Fderaalka ay ku mashquuleen aas loo sameeyay gabadhii dhowaan lagu dilay xerada Xalane gudaheeda marxuumad Almaas Elman Cali Axmed.

Maalinta axada ee isbuucan hadda inoo bilowday kuna beegan 24 bisha November ayaa waxaa la sheegay in Muxaadaradaasi Sheekh Macamed Cabdi Umal uu ku qaban doono garoonka ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium sida lagu sheegay war ka soo baxay gudi loo xilsaaray qaban qaabada qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Muxaadaradaas ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Abuubakar (Sheekh Soomow) oo ah afhayeenka golaha Guud ee Culimada Soomaaliya ee fadhigooda uu yahay Muqdisho isagoo Sheekh Umal ku eedeeyay inuu diiday in uu faafaafiyo xagjirnimada waxa uu ka aamisan yahay.

Hadalkaas ka soo yeeray Sheekh Soomow ayaa waxaa ka hor yimid isla golaha uu ka tirsan yahay waxayna sheegeen in golaha aan la qabain warkan Sheekh Soomow ka soo yeeray sidoo kale warkaas uu ku kooban yahay Sheekh Cabdiqaadir Soomow.

Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa guddi u xilsaartay qaban-qaabada iyo qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed acabdi Umul uu ku qabanayo Muqdisho waxaana guddigaas ka mid ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dhowaan Muqdisho keenay gargaar iskuuga jira lacag iyo agab ay ka soo aruuriyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo gargaarkaasi ay ku wareejiyeen gudiga dowladda uxil saartay arimaha fatahaada iyo daadadka.

Trending

Exit mobile version