Kenya

Nairobi: Isku soo bax balaadhan oo looga soo horjeedo weerarkii Riverside oo ka dhacay xaafada Eastleigh

Iyada oo ay dad badan oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ee magaalada Nairobi, Kenya ay walaac ka qabaan, kana war sugayaan jawaabta iyo sida ay ciidamada nabad sugida ee dalka Kenya ay u dhaqmi doonaan kadib markii ay dabley hubeysan oo kamid […]

Published

on

Iyada oo ay dad badan oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ee magaalada Nairobi, Kenya ay walaac ka qabaan, kana war sugayaan jawaabta iyo sida ay ciidamada nabad sugida ee dalka Kenya ay u dhaqmi doonaan kadib markii ay dabley hubeysan oo kamid ah kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteelka iyo dhismaha Dusit2 ee xaafada Westland, Nairobi.

Haddaba boqolaal kamid ah dadka Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan xaafada Eastleigh ayaa maanta ku sameeyay isku soo bax aad u balaadhan oo ay ku dhaleecaynayaan falalaka foosha xun iyo dambiyada dilalka, qarxinta iyo argagixisada iskugu jira ee ay Al-Shabaab ka samaysay magaalada Nairobi iyo dalka Kenya iyo weerarkii lagu qaaday Riverside.

Yusuf Xassan oo ah gudoomiyaha iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo laga soo doorto degmadda Kamukunji ee Nairobi, Kenya oo ay xaafada Eastleigh kamid tahay ayaa isagu kamid ahaa hogaamiyeyaashii iyo madaxdii qayb laxaad leh ka geystay isku soo baxan lagu dhaleecaynayo kooxaha xag jirka iyo falalka arxan darada ah ee ay geystaan.

Waxaa maanta gebi ahaanba albaabada loo xiray goobaha ganacsiga ee xaafada Eastleigh iyo dhamaanba wixii howlgall ganacsi ahaa, waxaana isku soo bax balaadhan oo lagu diidan yahay dilka iyo kooxaha xag jirka ah lagu qabtay saaka dhex bartamaha goobaha ganacsiga ee xaafada Eastleigh. Iskaashatada ganacsiga xaafada Eastleigh iyo qaar kamid ah madaxda iyo culumadda Soomaaliyeed ayaa iyagu fariin adag iyo diidmo adag oo la xiira argagixisada goobtaas ka jeediyay.

Waxaa si balaadhan isku soo baxan loogu cambaareeyay kooxda Al-Shaab oo iyagu  mas’uuliyadda weerarka Dusit2 sheegtay.  Dadkii isku soo baxan ka jeediyay qudbadaha ayaa dhamaantood goobta ka sheegay in ay “argagixisadu Diin lahayn.”

Isku soo baxan aadka u balaadhan ayaa lagu dhaleecaynayey falkii ay gaysteen ragii hubaysan ee maalintii Talaadada weerrareen goob ku taalla degmada Westlands ee caasimadda Kenya, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof. Ilaa iyo haatan waxaa la la’yahay 50 qof, waxaa sidaasi sheegtay Laanqeyrta Cas ee Kenya.

 

Xigashadda sawirrada: Bogga Facebook-ga xildhibaan Yusuf Xassan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version