Wararka Soomaalida
Nin dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo Biladda Guldbagge la gudoonsiiyey
Xaflad balaaran oo xalay Fiidkii ka dhacday Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa abaalmarinta biladda Guldbagge lagu guddoonsiiyey filim soo saaraha Axmed Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro Soomaali ah. Biladdaas ayuu ku hantiyay Axmed Cabdullaahi filimkiisii ee loogu magac darey Martyren Mujaahid Axmed Cabdullaahi ayaa guushan waxaa uu ku hantiyay qaybta aflaanta gaagaaban ee uu […]
Xaflad balaaran oo xalay Fiidkii ka dhacday Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa abaalmarinta biladda Guldbagge lagu guddoonsiiyey filim soo saaraha Axmed Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro Soomaali ah.
Biladdaas ayuu ku hantiyay Axmed Cabdullaahi filimkiisii ee loogu magac darey Martyren Mujaahid Axmed Cabdullaahi ayaa guushan waxaa uu ku hantiyay qaybta aflaanta gaagaaban ee uu soo saaro waana tan keentay in xalay biladdan lagu doonsiiyo.
Wiilkan asalkiisa Soomaaliga yahay balse haysta dhalashada Wadanka Sweden Axmed Cabdullaahi oo Wareysi siiyey Radio Sweden horraantii bishan mar lagu dhawaaqay inuu filimkiisu qayb ka yahay tartanka kama dambayska ah ama faynalka ee qaybta aflaanta gaagaaban ayaa waxaa uu sheegay inay tahay markii ugu horreeysay ee filim soo saare soomaali ah iyo filin ku hadlaya afka soomaaliga uu heerkan soo gaaro, isagoo intaas kubdaray inay tahay tallaabo horey loo qaaday.
Abaalmarinta Guldbagge oo sannadkii mar laga bixiyo ayaa lagu qiimeeyaa aflaanta noocyadooda kala duwan ee sannadkii tagay hadday noqon lahayd qisada filim soo saareyaasha,aflaan sameyiyaasha, jileyaasha,Muusikada filimka, aflaanta noocyadooda kala duwan, habka labiska iyo wixii la mid ah.
Dalka Sweden ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ay ku nool yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo farabadan.