Wararka Soomaalida

Ninkii Soomaaliland uxirtay Calanka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Published

on

Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo lagu naaneeso Cabdiraxmaan “Aar” ayaa dhowr jeer calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya jacayl uqabo awgeed waxaa loogu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii Jaakad iyo Surwaal ka samaysan midibka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya ku labistay isagoo xiligaas ku noolaa xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Aar oo muddo bil iyo dheeraad ah arinkaas uxirnaa ayaa markii dambe laga siidaayay xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaala magaalada Hargeysa iyadoo sii daynatiisa shuruud looga dhigay inuusan mardambe ku soo labisan karin dharka ka samaysan midibka Calanka Soomaaliya inkastoo mararbadan sidaas oo kale Hargeysa calanka awgiis loogu xiray Cadiraxmaan Aar.

Wiilkan ayaa markii ugu dambaysay waxaa la xiray 14 May ee sanadkan 2019-ka iyadoo Wargayska Tusmotimes waqtigaa qormadan ka sameeyay.

https://thetusmo.com/?s=Ciidamada+Soomaaliland+oo+jeelka+dhigay+wiil+ku+lebistay+calanka+ Haddaba Cabdiraxmaan Aar oo marnaba ka tanaasulin sii wadida jacaylka uqabo Calanka Soomaaliya ayaa ugu dambayn ka soo haajiray deegaanada maamulka Soomaaliland wuxuuna usoo wareegay magaalada Muqdisho iyadoo ugu dambayntii maanta lakulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ninkan dhalinyarada ah ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali Aar ayaa maanta markii uu lakulmayay Madaxweyne Farmaajo ku labisanaa dharkii isku jooga ahaa ee ka samaysan Calanka Soomaaliya ee Soomaaliland wiilkan kula colowday dharkaas awgiis.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali Aar ku caanbaxay jacaylka iyo qadarinta Calanka buluuga ah ee Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka ee Calanka Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Farmaajo wiilkan dhalinyarada ah ku dhiira geliyay sida sharafta leh ee midnimada Soomaaliya ujacal yahay inuusan ka daalin oo halkaas ka sii wado.

Trending

Exit mobile version