Community

Oday 75 jir ah ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray gacan qaad loogu geystay goob laga raaco basaska

Published

on

Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota shallay ku geeriyooday Allaha u naxariisto ee Oday Soomaaliyeed oo isbuucii hore lagu gacan qaaday, dhaawac culusna loogu geystay xarunta basaska laga raaco ee ku taala is goyska wadooyinka Chicago iyo Lake.

 Jaamac Xasan Jibril oo ahaa 75-jir ayaa waxaa weeraray oo feeray koox dhallinyaro ah oo ay bas isla saarnaayeen.

Kooxdan Dhallinyaradda ah ayaa Allaha u naxariisto ee Jaamac Xasan Jibril daba galay markii uu baska ka deggay, kadibna weeray iyo gacan qaad sababay dhaawaca uu u dhintay u geystay.

Ciidanka Booliiska magaaladda Minneapolis iyo Booliiska sida gaarka ugu shageeya Gaadiidka Dadweynaha ayaa soo xiray Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah isagu ah qofkii feeraya Jaamac. Muuqaal video-ah oo ay booliisku daawadeen ayaa waxaa laga arkay kooxda dhallinyarada ah iyo weerarkii ay ku qaadeen, kuna dhaawaceen Odayga 75-jirka ah.


Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah isagu ah qofkii gaarsiiyay dhaawaca uu Jaamac u dhintay.

Dhaawaca uu u dhintay Jaamac Xasan Jibril oo ahaa 75-jir ayaa ka gaaray madaxa. Jaamac ayaa in mudo ah ku jiray Isbitaal, balse shalay oo ahayd Tallaado November 12, 2019 ayuu marxuunku ku dhintay dhaawicii soo gaaray.  

Waxaa ciidanka booliska magaaladda Minneapolis u xiran oo xabsi ku jira Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah isagu ah qofkii feeray Jaamac ee dhaawaca uu dhintay u geystay. Waxaa kale oo weli lagu daba jiraa kooxdii kale ee iyagu ka qayb qaatay falkan iyo dambigan naxdin daradda ah.

Weerarka loo geystay Jaamac Xasan Jibril ee sababay dhimashadiisa ayaa welwel iyo cabsi badan ku abuuray bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka waaweyn ee iyagu raaca gaadiidka dadweyanaha ee ah basaska iyo tareenadda.

Cabsidda iyo welwelka ku soo kordhay dadka Soomaaliyeed ee iyagu waayeelka u baddan ayaa ku soo hagaageysa wakhti ay cimiladii is badashay, qabowgii iyo barafkiina ay bilowdeen.

Trending

Exit mobile version