Wararka Soomaalida
Beelaha Direed oo baaq soo saaray(Akhriso)+Sawiro
Kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaasha Guurtida Beelweynta Direed ee ka kooban Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxay si kulul uga hadleen siyaasadda cakiran ee xiligan ka dhaxtaagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ka dib markii madaxda dowladda Soomaaliya sida la sheegay go,doomin siyaasadeed oo dhan walba ah ay ku […]
Kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaasha Guurtida Beelweynta Direed ee ka kooban Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxay si kulul uga hadleen siyaasadda cakiran ee xiligan ka dhaxtaagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ka dib markii madaxda dowladda Soomaaliya sida la sheegay go,doomin siyaasadeed oo dhan walba ah ay ku sameeyeen Soomaaliland dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Odayaashan ayaa shirkooda siweyn ugu lafaguray xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ay kula dhaqmayso Soomaaliland waxayna sheegeen in hadda Xoolo ay leeyihiin Ganacsatada ku dhaqan deegaanada Soomaaliland ay ku xaniban yihiin Sucudiga ka dib markii Xoolahaas Markab lagaga qaaday Dekadda Berbera ka dibna lagu xayiray Sucudiga ka dib amar ka soo baxay Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Xoolahaa oo ubadan “Ari” hadda dhowr maalin Markab dushiisa saaran yihiin lagana cabsiqabo in Markabkaas dushiisa ku dhamaadaan.
Xoolahaas ku xaniban Sucudiga ee Ariga ah ayaa waxaa tirada guud ee Markabka saaran lagu sheegay 20,000 Kun oo Ari ah haddii Xoolahaas sidaas ku dhamaadaan ama ay ku baqtiyaana waxaa loo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay ugu fadhiyaan Magdhow lacageed oo Xoolahaas ah haddii kale sida ugu dhaqsiyaha badan usiidaayaan.
Kulankan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay iskuugu yimaadeen Odayaasha Guurtida Beelweynta Direed ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku wajahan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya islamarkaana loogu baaqay in Soomaaliland ka joojiyaan go,doominta siyaasadeed ee ay ku hayaan haddii kale go,aan deg deg ah ay ka qaadanayaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Talo soo jeedin
1-Odayaasha dhaqanka ee beelaha Direed waxay cambaaraynayaan ficiladaas wiiqaya nolosha,midnimada, wax-wadalahaanshaha iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed ee ay ku dhaqmayaan shaqsiyaad huwan derajo Dowladeed kuna shaqeynaya ficil iyo cunsuriyad qabiil.
2-Waxay ka digayaan in awoodda Dowladda ee la wada leeyahay loo isticmaalo si qaldan oo lagu waxyeeleeyo dad ama deegaan gaar ah.
Baaq
1.Odayaasha dhaqanka beelaha Direed waxay ugu baaqayaan kana codsanayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka iyo takoorka lagu hayo shacabka ku nool Soomaaliland ee aanu kor ku soo sheegnay,gaar ahaan cunaqabateynta dhaqaale iyo xanibaad Xoolaha ka dhoofa Berbera oo aan ka jirin Dekadaha kale ee dalka.
2.Wasiirada iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Direed waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan oo diidaan wixii xadgudub ku ah dadka ay metelaan ama Xildhibaanada u yihiin.
3.Wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobe,Safiirada iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya waxaanu la socodsiinaynaa in Soomaalidu aanay weli ka korin qabiil,isdulmin iyo in Shaatiga Dowladnimada ee la wada leeyahay loo adeegsado si qaldan.
Waxaanuna ka codsanaynaa:-
(a) in sidii lagu heshiiyay Shirarkii Soomaalida loo qabtay ee LONDON iyo Copenhagen in aanay ka yeelin oo uhabran in Dowladda Soomaaliya ay cunaqabateyso oo siyaasadeyso deeqaha gargaarka iyo horumarinta ee ay bixiyaan.
(b) in la dardargeliyo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo in sidii ay dhigayeen heshiisyadii lagu gaaray Chevening,Dubai,Ankara,Istanbul One, Istanbul Two iyo Djibouti in arimaha masiiriga ah ee Soomaaliya ay laba dhinac si siman uga wadahadlaan oo aan hal dhinac ku amar-ku taaglayn awooda Dowladnimo.
(C) si loo helo midnimo iyo isu soo dhowaansho in Dowladda Soomaaliya ka fogaato wax kasta oo keenaya colaad lana fuliyo wixii hore loogu heshiiyay.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka.