Wararka Soomaalida
Prof Bursaliid oo xoriyadiisa dib uhelay
Prof Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhowaan waxaa xabsiga utaxaabay Ciidamada amaanka Kenya ka dib markii xili saq dhexe ah udhaceen ka soo kaxeeyeen gurigiisa oo ku yaala xaafad ka mid ah Nairobi. Ciidamada soo xiray Prof Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa waxaa la […]
Prof Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhowaan waxaa xabsiga utaxaabay Ciidamada amaanka Kenya ka dib markii xili saq dhexe ah udhaceen ka soo kaxeeyeen gurigiisa oo ku yaala xaafad ka mid ah Nairobi.
Ciidamada soo xiray Prof Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa waxaa la sheegay inay iskuuga jireen sirdoonka dharcadka Kenya ah iyo kuwo hubaysan iyadoo Bursaliid looga shakiyay arimaha Soomaaliya gaar ahaan madaxtanimada Soomaaliya inuu doonayo in uu isku sharaxo.
Sidoo kale Dr Bursaliid ayaa waxaa lagu eedeeyay in Magaalada Nairobi uu ka aas aasay Xusbi siyaasadeed islamarkaana ku xiran xiriir toos ahna laleh dhinaca Soomaaliya.
Ciidamada soo xiray Prof Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa sidoo kale soo qabtay soona xiray aqoonyahano kale oo Soomaali ah degana Magaalada Nairobi kuwaasoo kala ah.
1-Maxamud Maxamed Bashiir.
2-Cali Cabdi Maxamed.
3-Xuseen Xassan Muxamud.
4-Prof Ibraahim Faarax Bursaliid.
Afartan aqoonyahan ee Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxaa Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi la soo istaajiyay ka dibna lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin dhinaca Soomaaliya sidoo kale damacooda Siyaasadeed uu yahay inay ka mid noqdaan Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya sanadka 2020 ee soo socota.
Sawirka Prof Ibraahim Faarax Bursaliid
Afarta aqoonyahan ayaa iska berayeelay dhamaan eedaymaha lagu soo oogay waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha loo haysto.
Maxkamadda Nairobi ayaa amartay in aqoonyahanadan Soomaalida ah dib loogu celiyo Xabsiga ilaa muddo shan cisho ah intii Kiiskooda dhinac ugu dhacayo.
Haddaba marlabaad ayaa caawa waxaa maxkamadda Nairobi ka soo hor muuqday Professor Ibraahim Faarax Bursaliid iyadoo su’aalo la xiriira eedaymaha loo haysto marlabaad la soo hor dhigay.
Dr Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa sidii hore si lamid ah iska difaacay eedaymaha loo haysto inay yihiin kuwa been abuur iyo tuhan ah sidoo kale waxba kama jiraan ah eedaymaha loo soo xiray.
Maxkamadda qaadaysay dacwadda loo haysto Ibrahim Faarax Bursaliid ee ku taala Magaalada Nairobi ayaa caawa ku dhawaaqay inuu xor yahay Prof Ibraahim Faarax Bursaliid wixii eedaymihii loo haystayna lagu waayay.
Mas,uuliyiinta Maxkamadda Nairobi ayaa ku dhawaaqay in lagu waayay dhamaan dambiyadii loo haystay Prof Ibraahim Faarax Bursaliid sidaas awgeed caawa uu yahay mid xor ah oo meeshii uu doono marikara.
Dhinaca kale ilaa hadda lama oga seddaxdii aqoonyahan ee Soomaaliyeed ee lala soo xiray Prof Ibraahim Faarax Bursaliid in iyagana la siidaayay iyo inkale Maxkamaddase waxay ku dhawaaqay Bursaliid inuu xor yahay oo eedaymihii loo haystay lagu waayay.
Prof Ibraahim Faarax Bursaliid iyo Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud ayaa waxaa la soo xiray habeenkii arbacada isbuucii hore iyagoo muddo 8-maalmood ah uxirnaa sirdoonka Kenya.