Wararka Soomaalida
Puntland iyo Bisa Cas Imaaraadka oo heshiis wada gaaray
Maamulka Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo ogolaanaya in hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay xafiis ka furato deegaanada Puntland si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fulinayso deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka kaasoo ku saabsan dhinaca wax qabadka hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaana dhinaca Imaaraadka heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.
Puntland ayaa isbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland waxaana jira guddiyo maamulka u saaray arrimaha gurmadka dadka Toobabka ay saameeyeen.
Xafiiska hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay ka furanayso Puntland ayaa waxaa ka mid noqondoona ka shaqaynta arrimaha gargaarka Bani’aadantinimo waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda maanta uu gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Tusmotimes.com